Wararka ka imanaya koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya weerarro saacadihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ka fulisay gobolka Shabeellaha hoose.
Sida ay xogtu tibaaxayso, kooxdu waxay saqdii dhexe ee xalay weerar dhabbo-gal ah u dhigeen kolonyo ka tirsan ciidanka DF oo ka baxay caasimadda Muqdisho kuna sii jeeday saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose.
Kamiinkan oo si gaar ah uga dhacay afaafka hore ee xaafadda Haanta Dheer ee degmada Afgooye ayaa geystay khasaare nafeed oo soo gaaray ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey, in ugu yaraan 3 askari oo ka tirsanaa kolonyada ay soo gaareen dhaawacyo garaab ah, iyadoo tiradaasi tahay mid hordhac ah.
Sidoo kale xogta ayaa intaas ku dartay in dhanka kalena uu gebi ahaanba gubtay mid ka mid ah baabuurtii ciidanka ee kolonyada ahayd, kaas oo noociisu ahaa Cabdi Bile.
Ciidamada la kulmay weerarka jid-gooyada ah ayaa la sheegay in saaka uu Waagu u baryey, iyagoo weli ku sugan isla goobtii xalay dagaalku ku qabsaday.
Geesta kale, waxaa isna jira weerar kale oo dhacay isla habeennimadii xalay, kaas oo dagaallamayaashu ay ku mireen xerada ciidamada Uganda ee deggaanka Golweyn ee degmada Buula Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarradan ayaa qayb ka ah hawl-gallo si joogta ah loogu beegsado ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka iyo ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.
